Hormuud Habaabay (Astray Leader)
View on Open Library ↗

Hormuud Habaabay (Astray Leader)

by

1.1 hrs read
Rate this book:
285 pages 2015

About This Book

"Horraantii Sannadkii 2006dii, waxa soo shaac baxday awoodda Maxaakiim dhawr ah, oo si nabad iyo degganaanba ku dhisan looga aas-assay qaybo kamid ah gobolka Banaadir(muqdisho), oo ah caasimadda dalka Soomaaliya. Maxaakiimtani waxa ay ahaayeen kuwo la doonayey in ay adeeg amni u sameeyaan qaybo kamid ah bulsho-weyntii Soomaaliyeed ee Muqdisho ku dhaqnayd. Waxa jirtey in qaab beeleed loo soo agaasimay, inkasta oo Culummo Soomaaliyeed oo waaweyni gadaal ka riixayeen, dhiirri gelinna u samaynayeen suurtagalnimada Maxaakiimta Islaamiga ah. Dadka Soomaaliyeed, guud ahaan nidaam darro iyo bur-bur mood iyo noolba leh ayaa ku habsadey, waxaana taladii dalku gacanta u gashay, qab-qablayaal dagaal, ummaddiina u diidey jiif iyo joog. Midowga Maxaakuumta Islaamiga ayaa wadada u xaaray nabad iyo rajo dadweynihii doortay in ay u xukun tagaan Shareecada Islaamka. MMI, waxa ay ahayeen kuwo markiiba fuliyey adeeg deg-deg ah bulshaduna ku diirsatey, waxa ayna dib u soo celiyeen nabaddii iyo kala dambeyntii magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo badan. Haddaba buuggan "Hormuud Habaabay", waxa aan ku eegi doonnaa soo bixitaankii Maxaakuumtii Islaamiga ahaa iyo Isbahaysigii la magic baxay "Isbahaysigii Dib-U-Xoreynta Soomaaliyeed" ee lagu dhisay Asmara, dalka Ereteriya sannadkii 2007dii iyo sida hoggaankiisii isu dhiibeen, una marin habaabeen." -- cover.

"History and government in Somalia around 2006-2009" -- cataloger's judgment.

Buy This Book

As an Amazon Associate and Bookshop.org affiliate, BookOrb earns from qualifying purchases.

Write a Review

Sign in to write a review.